" Aarkii Cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayey
Goortii la wada caageybaan, ceerigaw baxaye
Beeshii ciqaabnaa hadday, caano dhamayaane
Intuu cunay intii carartay baa, ka cabsi waallayde
Calaydh maalintaan dhigay, dadkii inu cisaan sheegtay?
Ku sinnaan Qarnigii 19 aad, waxa geyiga Soomaaliyeed ku dhaqnaa Raxan Libaaxyo ah
oo dad-qaadnimo ku astaysnaa. Summada layaan-nimo darteed libaaxyadani
waxay kasbadeen magacyo ka gudbay waagaas min bari ilaa galbeed geyiga
Eebe ku uumay ummada Soomaaliyeed.
Aan ku xasuusiyee waxay ila tahay inaad inuun maqaalo ku weelaysatay Aarkii Daboole. oo ahaa libaax geesi oo dhan in uu cunay in carartay iyo in caagtay ka dhigay
Haddaba, sida diwaan-taariikheedku suntayo,
waxa kaydka meertada nololeed ee ummada Soomaaliyeed soo martay ku duugan in Aarkii
Daboole ahaa sababihii loo sibir-saarayey
bilowgii Hayaankii dheeraa ee qaybo badan oo bulshada ku dhaqan waqooyiga dhulka soomaliyeed
ugu huleeleen Cariga Qaaradda Yurub, gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa deeganada Calaydh iyo Ceelkii Xaraf.
Waxa sidan dhigaya kayd-taariikheedkan oo ay diwaankeeda haysay #Saldanadii_Guuleediya oo waagaas muddo qarniyo ah Caqli,
Cudud iyo Ciidan kaga arimin-jirtay Geyiga Soomaaliyeed.
Marka loo dhabo-galo Dhugashada kayd-taariikheedkan
lagu sunti jiray Badweynta Suugaanta sida gabayga oo kale, waxa ay xaqiijinaysaa in Aarkii Daboole ee dad-qaadnimada ku astaysnaa ahaa sababtii bar bilowga u ahayd tahriibta.
Wallow haddaba uu libaaxu yahay boqorka kaynta laguna majeerto geesinimo iyo awood aan la loodin, Dhanka kale waxa jira nin foolaad aan waxba
u ogeyn oo dubta sida ugaadha.
Xuseen Xasan Rooble wuxuu ahaa
tiirarkii Saldanada Guuleediya ee waagaas, koobsadayna sifo kasta oo ina rag lagu majeerto caynad ay tahayba. suldaanka waqti ka ariminayay suldanadii guleediya
waxa naga soo gaadhay
oo taariikhda xusaysaa inuu xuseen xasan isagoo amaanaya yidhi kun waa la diriraa kuna waa la deeq kun waa la dooda ilaa uu gaadho inuu 1000 nin ku masaalo
Nin karmeedkan oo summadaha dhacdooyinkiisa taariikheed aynaan halkan isku waydaarsankarin, wuxu ahaa ninkii xarago dilay ee birta ka aslay Aarkii Daboole
ee dadka askaxooda jaray, cabsidiisuna geyiga cidlaysay. wuxuu ahaa nin lab u hiiliyay ummadii la noolayd cabsida iyo waliba geyigii dadkiisu ka haajirayeen.